DHAGEYSO:- Duqeyn ka dhacday deegaan hoostaga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Mid ka mid ah Saraakiisha sare ee Ciidamada Dowllada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu faah faahino dheeraad ah ka bixiyay Howlgallo iyo Duqeyn ka dhacay degaano hoostaga degmadaas.

Cali Maxamed Aadan (Cali Waaq) oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Qoryoley ee Gobalka Shabeelada Hoose ayaa waxa isagoo lahadlaya warbaahinta gudaha dalka waxa uu sheegay inta badan degaanada hoosyimaada degmada Qoryooley in laga saaray Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay degaan 45-KM ujira degmada Qoryooley in ay ka dhacday Duqeyn, taasi oo uu sheegay ilaa hadda inaanan laga heyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO