DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax Xoogan ayaa goordhow waxuu ka dhacay sida la sheegay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu ka dhacay Xaafada Kawaanka Malaayga ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay gaari lagu soo xir ay waxyaabaha qarxa.

Sarkaal ka tirsan kuwa Nabad Sugida ayaa u sheegay AGGM in hal ruux oo watay Gaariga qarxay ii ku dhintay.

Weli lama shaacin shaqsiga uu yahay ruux ku dhintay Qaraxan iyo cidda uu bartilmaameedku ahaa.

Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhaca5y Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.