DEG DEG: ASKAR lagu dilay Weerar ka dhacay Gobolka Bakool

0

Wararka laga helayo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Weerar khasaaro geystay uu ka dhacay Duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxey ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Wariyaha Idaacadda VOA, Harun Macruuf ayaa waxuu sheegay in weerarka uu ka dhacay Duleedka Degmada Xudur.

Wariye Macruuf ayaa intaasi waxuu ku daray in Weerarka lagu khaarajiyay ugu yaraan 4 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Gobolka Bakool.