XOG:- Amiirka Qadar oo sheegay sir hor leh oo ku saabsan arrinta Qudus ee Sacuudiga iyo Israiil.

0

Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan afka ka qabsan doonin baahinta Dukumiintiyo muujinaaya xiriir hoosaadka ka dhexeeya dowladaha Sacuudiga iyo Israel.

Amiirka waxa uu tilmaamay inay hayaan cadeymo muujinaaya in dowlada Sacuudiga ay kaalin weyn ka qaadatay sida magaalada Qudus loogu gacan galin lahaa dowlada Israel.

Waxa uu cadeeyay in dowladiisa ay goor sii horeysay arrintaan ka hortageeda usoo bandhigtay dowladaha islaamka, hase ahaatee ay ku kasbadeen mucaarad Siyaasadeed.

‘’Kama ganban doono inaan dunida muslimka ah la wadaagno cadeymaha muujinkara in Sacuudiga uu kaalin ka qaatay arrinta Qudus’’

Sidoo kale, Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa dowladaha ay daacada ka tahay ka hortaga arrinta Qudus ugu baaqay inay cadeeyan mowqifkooda Qudus.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si wada jira magaalada Qudus looga badbaadiyo dowladaha Sacuudiga, Mareykanka iyo Israel.

Haddalka Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kusoo beegmaaya xili sababta khilaafka Xulafada Sacuudiga iyo Qadar la sheegay inay u sabab aheyd Dukumiintiyada ku saabsan kiiska Qadar oo ay heyso dowlada Qadar.