Xukuumadda Soomaaliya oo ka Oo Ka Tacsiyeysay geerida Fanaanada Gaduudo Carwo

0

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Eng: C/raxman Cumar Cismaan “Yariisoow” ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Shamis obokar oo loo yaqaanay “Gaduudo Carwo” taasoo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladi iyo qoyskii ay ka baxday Allaha u naxariistee Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd fanaaniinta ugu magaca dheer dalkeenna Soomaaliya” Ayuu yiri Eng: Yariisoow oo saaka ka hadlayay telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay fanka Soomaalida ayaa in muddo ah ku xanuunsaneysay magaalada Hargeysa, iyadoo ugu dambeyn waaberigii saaka ku geeriyootay isla magaaladaasi Hargeysa.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun