TOP NEWS:- Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo duqeyn u geystay gaari marayay deegaanka Ilimey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ku qaadeyn Gaari nuuca weyn oo marayay deegaan ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal la hadlay warbaahinta gudaha dalka ayaa u xaqiijiyay in ay Diyaarado ay duqeeyeen Gaari marayay deegaanka Ilimey oo ka tirsan Shabeelaha Hoose waxaana Gaarigaasi la sheegay in ay ku rarnaayeen Waxyaabaha qarxa oo loo soo waday magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa iyagana dhankooda waxa ay Warbaahinta u xaqiijiyeen in ay jirto duqeyntaasi Islamarkaana la duqeeyay Gaari ay saarnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo doonayay in ay Qaraxyo ka geestaan Muqdisho.

“Waxaan maqalnay Qarax weyn oo ka dhashay duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay Gaari marayay Tuulada Ilimey, kadib waxaa maqalnay Qaraxyo kale oo gaariga ka dhax dhacay oo dhowr xabo ah, waxaan u fahanay in ay sii qarxeyn waxyaabo Gaariga saarnaa” sidaas waxaa yiri qof ku sugan Tuulada Ilimey ee Shabeelaha Hoose una dhaw deegaanka Toora-toorow.

Isku soo wada duuboo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.