Tababar ku saabsan Booliseenta Bulshada oo lagu qabtay Muqdisho

EUCAP Somalia waxay tababar ku saabsan Booliseenta Bulshada dhanka baddaha ku qabatay Muqdisho
6.da December, kaasi oo aay kasoo qayb galeen 10 sargaal ( oo aay ku jiraan labo dumar ah) oo ka wada tirsan cutubta Booliska Baddaha ee Xoogga Booliska Soomaaliyeed.
Tababarkani waa kii afaraad ee kanoo kale ah oo uu Hawlka qaban qaabiyo. Kasoo qayb galayasha waxay ka doodeen sida Boolisenyta Bulshada aay u tabar cilmi wax haga iyo istaratijayad muhiim ah ee lagu dhiiragelinayo dadweynaha inay saaxiibo la noqdaan booliska si looga hortago dambiyada.
Haddaba, qiimaha aay leedahay in bulshada iyo booliska laysku soo dhaweeyo iyadoo ula jeedku yahay xaafado ka madax banana dambi iyo isku dhexyaac iyadoo la adeegsanayo wadashaqayn ayaa lagu cadeeyay tababarka.
Sidoo kale, Tababarka waxa qayb ka ahaa cashar ku saabsan xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga.
Inta la bixinayay casharka kor ku xusan, waxa la sharaxay in xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga ugu horeen yahay xad gudub ka dhan ah xuququl insaanka. Intaas waxa dheer, waxa laga dooday in xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga uu la xiriiro amniga dhulka iyo badahaba, sido kale waxa la tilmaamay in baabinta Xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga lagama marman u tahay helida nabad waarta.
Saraakiisha Soomaaliyeed ee ka qayb galay tababarka ayaa isku raacay in khilaafadyada lagu xaliyaa
kasoo qayb gal firfircoon ee muwaadaniinta – taasi oo ah ula jeedka ugu dambeeya ee booliseenta
bulshada- aay si wayn ugu faaideyneyso bulshada.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Wasiirka Maaliyadda soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii imaaraadka ee garoonka muqdisho lagu qabtay
- Apr 20, 2018
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya CAbdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka ...
DHEGAYSO:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Beenisay In Dowladii Hore Imaaraadka Heshiis Kala Gashay Dekada Berbera
- Apr 20, 2018
Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay ...
Taliyihii Ciidamada Suudaanta Koofureed Oo Geeriyooday
- Apr 20, 2018
Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan, Michael Makuei Lueth, ayaa sheegay inuu Maanta oo Jimca ah ...
Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Sharaxay Sharciga Xaq-siinta Ciidanka.
- Apr 20, 2018
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Xubnaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo la ...
Wasiir Beyle oo Rajo ka muujisay in Deemaha laga Cafiyo Soomaaliya.
- Apr 20, 2018
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galaya ...