Madaxweynaha Turkiga Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Wadamada Islaamka Ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Jerusalem ugu aqoonsaday caasimadaa Israel,wuxuuna Erdogan sheegay in Go’aankaan uu gobolka Gelinayo dagaal ahli ah.

” Qaadashada talaabadan oo kale waxay gaar u tahay Gobolkaan oo dagaal lala damacsan yahay,Maxaad Jeclaan lahayd inaad sameyso talaabadan oo kale Mr Trump? Talaabo noocee ah ayaa qaadeysaa?”,madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah sidaasi ka sheegay Garoonka diyaaradaha Esenboga ee caasimada Ankara waxyar ka hor intuusan u duulin Dalka Gariiga.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka ah ayaa si isku mid ah uga carooday go’aanka uu Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda rasmiga ee Israel.

” Waxaa la gaaray xilligii si rasmi ah Jeruslem ugu aqoonsan lahaa caasimadda Israel”, ayuu ku yiri Mr Trump hadal uu ka sheegay magaalada Washinton ee caasimadda Mareynkanaka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Hogaamiyaasha Siyaasadda ugu baaqay in si wada jir ah uga shaqeeyaan Nabada,wuxuuna uga digay iney Arintaan bariga dhexe ku lug yeeshaan.

Dhan kale,madaxweynaha dalka Turkiga ayaa isugu yeeray Hogaamiyaasha Dowladaha Ururka Iskaashiga Islaamka  ah si ay uga arinsadaan go’aanka madaxweynaha Mareynkanka uu gaaray,waxaana shirka uu ka dhacayaa magaalada Istanbuul ee dalkaasi Turkiga.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen,oo shir jiraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in shir madaxeedka looga hadli doono Qorshaha uu Mareynkanka ka damacsan yahay in Qudus uu u aqoonsado Caasimadda rasmiga ah ee Israel.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Wasiirka amniga soomaaliya oo soo diray fariin ku socota siyaasiyiinta hamiga xun
- Feb 22, 2018
Maxamed abuukar islaw ducaale wasiirka amniga soomaaliya ayaa hadal u muuqda in uu fariin ...
TOPNEWS:-Dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo Doolar oo lagu qabtay Dalka kenya
- Feb 22, 2018
Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Nin u dhashay dalka Tanzaniya ka ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Yariisow” Canshuuro laga qaado Shacabka kuma dhacdo Qasnadda dowladda”
- Feb 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan ...
AKHRISO:- Itoobiya oo siideyneysa Maxaabiis badan oo Ka Tirsan Ururka ONLF
- Feb 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay qorsheynayaan in ay  Xabsiga ...
Munaasabada Xuska 48-Guurada Ciidanka Asluubta Oo Maanta Ka Dhaceysa Muqdisho
- Feb 22, 2018
Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu xusayo 48-guuradii ka ...