Madaxweynaha Maraykanka oo Qudus u aqoonsaday Caasimadda Israiil iyo Madaxda Caalamka oo sharci daro ku tilmaamay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ka hadlayey Aqalka Cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa’iil iyo Falastiin.

In yar ka hor intii uusan go’aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.

Qaybta qaddiimiga ah ee Qudus ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa’iil ka hor intii uusan Donald Trump ku dhawaaqin go’aankiisa.

Sida uu sheegay TVga ABC, waxaa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.

Siday Dunida uga jawaabtay go’aanka Trump

Israa’iil: Ra’iisalwasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin: Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ”albaabadii cadaabta” ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri ”Ma taageersanin go’aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan”.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas’uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tiri ”waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay”.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra’iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.

Ammaanka oo la adkeeyay

Talaadadii ayaa diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ee Israa’iil iyo qoysaskooda waxaa lagula taliyey in aysan u socdaalin qaybta qadiimiga ah ee Quddus iyo daanta galbeed “ilaa iyo amar dambe”.

Wasiirka Sirdoonka Israa’iil oo lagu magacaabo Israel Katz wuxuu idaacadda ciidamada u sheegay in “ay isu diyaarinayaa wax kasta” sida in ay rabshado dillaacaan.

Xigasho BBC

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Xoghaye Mattis: xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya MD Farmaajo
- Dec 16, 2017
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis ayaa waxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala ...
Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya
- Dec 16, 2017
Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka ...
DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay burburinta Dowadda
- Dec 16, 2017
Culimada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in markan ay ka digaan burburinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Cali ...
DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo taageero u muujiyay Madaxweyne FARMAAJO
- Dec 16, 2017
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u istaagay taageerida Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shacabka ...
DHAGEYSO: Iska horimaad culus oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
- Dec 16, 2017
Iska horimaad culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Punland iyo kuwa Galmudug ayaa Xalay ...