Top:-Hanti Dhawrihii Hore Ee Qaranka Oo Beeniyey Hadal Uu Dhawaan Jeediyey Ra’iisal Wasaare Kheyre

2

Agaasimaha Hay’adda Kobcinta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta ee Africa Dr Nuur Faarax Jimcaale, sidoo kale ahaa Hanti-dhowrihii hore ee Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga Jawaabay hadal dhawaan ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ahaa in markii uu xilka la wareegayay Qasnadda Dowladda aysan ku jirin wax lacag ah.

Dr Nuur Faarax ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu ka been Abuuray Dowladdii hore islamar kaana uu ka been sheegay lacagtii lagu wareejiyay oo aheyd in ka badan 5 Milyan oo doolar, waxa uu intaas ku daray in uu haayo cadeymihii uu kula wareejiyay Lacagtaasi markii uu xilka la wareegayay Kheyrre.

Ra’iisal Wasaare Kheyrre ayaa isagoo ka qeyb galayay Xafladda loogu magac daray Soomaaliyada Cusub waxa uu sheegay Markii uu xilka la wareegayay in aysan wax lacag ah ku jirin Qasnadda Dowladda.

Dr Nuur Faarax ayaa sheegey in wararkaasi ay tahay been abuur ra’iisal Wasaarahana lagu wareejiyay Lacag ka badan 5 milyan oo doolar loona baahan yahay in lagula Xisaabtamo.

Dhinaca Kale Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in Shirkadda Turkiga ee Gacanta ku heysa Dekedda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo.

“Shirkadda Maamusha Garoonka Muqdisho markii aan weydiino lacagta soo gasho iyo meelaha lagu bixiyo waxay u cararaan Madaxda Dowladda iyagoo diidaya in lala xisaabtamo” ayuu yiri Dr Nuur Faarax.

Hadalka ka soo baxay Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo hadda ah Agaasimaha Hay’adda Kobcinta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta ee Africa Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ra’iisal Wasaare kheyrre dhawaan sheegay in aysan wax lacag kala wareegeyn Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Comments are closed.