Top:-Hanti Dhawrihii Hore Ee Qaranka Oo Beeniyey Hadal Uu Dhawaan Jeediyey Ra’iisal Wasaare Kheyre

Agaasimaha Hay’adda Kobcinta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta ee Africa Dr Nuur Faarax Jimcaale, sidoo kale ahaa Hanti-dhowrihii hore ee Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga Jawaabay hadal dhawaan ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ahaa in markii uu xilka la wareegayay Qasnadda Dowladda aysan ku jirin wax lacag ah.

Dr Nuur Faarax ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu ka been Abuuray Dowladdii hore islamar kaana uu ka been sheegay lacagtii lagu wareejiyay oo aheyd in ka badan 5 Milyan oo doolar, waxa uu intaas ku daray in uu haayo cadeymihii uu kula wareejiyay Lacagtaasi markii uu xilka la wareegayay Kheyrre.

Ra’iisal Wasaare Kheyrre ayaa isagoo ka qeyb galayay Xafladda loogu magac daray Soomaaliyada Cusub waxa uu sheegay Markii uu xilka la wareegayay in aysan wax lacag ah ku jirin Qasnadda Dowladda.

Dr Nuur Faarax ayaa sheegey in wararkaasi ay tahay been abuur ra’iisal Wasaarahana lagu wareejiyay Lacag ka badan 5 milyan oo doolar loona baahan yahay in lagula Xisaabtamo.

Dhinaca Kale Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in Shirkadda Turkiga ee Gacanta ku heysa Dekedda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo.

“Shirkadda Maamusha Garoonka Muqdisho markii aan weydiino lacagta soo gasho iyo meelaha lagu bixiyo waxay u cararaan Madaxda Dowladda iyagoo diidaya in lala xisaabtamo” ayuu yiri Dr Nuur Faarax.

Hadalka ka soo baxay Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo hadda ah Agaasimaha Hay’adda Kobcinta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta ee Africa Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ra’iisal Wasaare kheyrre dhawaan sheegay in aysan wax lacag kala wareegeyn Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Mr Jama says:

    Hanti dhowrihii hore ee Soomaaliya mudane Nuur Faarax arrinta Shirkadaha Turkiga ee maamula Dekedda iyo Airport-ka Muqadishu,marka uu dhaliilayo ma waqtigii Dowladdii Xasan Sheikh oo uu muuqdo inuu difaacayo mase waa waqtigaan Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaayo ? Waayo waxaan ognahay inuusan Mudane Nuur la shaqayn Dowladda Madaxweyne Farmaajo waqti mudan in Dhaliil lagu soo jeediyo. Kama hadlaayo lacagta Shanta Malyan ee uu sheegey iney ku jirtey Qasnadda Dowladda markii ay xilka wareejisey Dowladdii Xasan Sheikh.

  2. Cigaal says:

    Hadii cidi been sheegeyso Nur Farah Jimcaale ayaa been sheegaya

    Waa nin mucaarad ku maamulka hada jira hadalkiisana wax ka soo qaad ma lahan waxaana cadeyn ah Shirkada turkiga ee uu ku hal qabsaday iyo dhaleecaynta iyo aflagaadada iyo dhaleecaynta ra’iisul wasaaraha wadanka




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Dowladda Itoobiya oo xabsiga ka sii deysay maxaabiis ka tirsana ONLF (sawiro)
- Feb 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 1,500 ...
DHAGEYSO:-Gadiidka Bajaajta oo lagu eedeeyay Amni Daradda Garowe
- Feb 22, 2018
Magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa xabsiga lagu guray Gadiidka Bajaajta kuwaasoo lagu ...
DHAGEYSO:-Wasiirka amniga soomaaliya oo soo diray fariin ku socota siyaasiyiinta hamiga xun
- Feb 22, 2018
Maxamed abuukar islaw ducaale wasiirka amniga soomaaliya ayaa hadal u muuqda in uu fariin ...
TOPNEWS:-Dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo Doolar oo lagu qabtay Dalka kenya
- Feb 22, 2018
Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Nin u dhashay dalka Tanzaniya ka ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Yariisow” Canshuuro laga qaado Shacabka kuma dhacdo Qasnadda dowladda”
- Feb 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan ...