Golaha Wasiirada Oo Maanta Ansixiyey Qorshaha Amniga Qaranka

Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga,Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna,shirarkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Kulanka Wasiirada uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee soo socoto,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Wasiir ku-xigeemka C/naasir,waxayna diirada saareen muhiimadda ay leedahay Qorshaha istiraatijiyada Amniga Gudaha ee 2017 ilaa iyo 2020,waxayna sheegeen in Arrimaha Amniga yoolka saareysa siyaasadda amniga dalka saldhigna u ah Qorshaha horumarinta dalka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Xoghaye Mattis: xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya MD Farmaajo
- Dec 16, 2017
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis ayaa waxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala ...
Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya
- Dec 16, 2017
Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka ...
DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay burburinta Dowadda
- Dec 16, 2017
Culimada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in markan ay ka digaan burburinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Cali ...
DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo taageero u muujiyay Madaxweyne FARMAAJO
- Dec 16, 2017
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u istaagay taageerida Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shacabka ...
DHAGEYSO: Iska horimaad culus oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
- Dec 16, 2017
Iska horimaad culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Punland iyo kuwa Galmudug ayaa Xalay ...