DHAGEYSO+SAWIRRO:- Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Xulka Kubada Cagta ee Jubbaland.

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa casho sharaf magaalada Muqdisho ugu sameeyay cayaartooyda Xulka kubadda Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo mas’uuliyiin kale ayaa munaasabadan ka qayb galay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka maamul Goboleedyada dalka islamarkana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan.

Axmed Madoobe wuxuu cayaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd, islamarkana ay koobka keenaan Caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Dhinaca kale Madaxweynahaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyda Jubbaland, islamarkana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhallinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland.

Isku soo wada duuboo Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan oo degaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland ayaa balan qaaday in si wanaagsan uga qayb qaadan doonaan muuraal siinta Xulka kubada Cagta Jubbaland.

HOOS KA DHAGEYSO