DHAGEYSO:- Wafdi ka socday dawladda Jarmalka oo gaaray magaalada Kismaayo.

0

Wafdi ka socday Dawladda Jarmalka qeybteeda horumarinta oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay kulamo la yeesheen Madaxda Jubbaland.

Madaxda Jubbaland iyo Wafdiga ayaa intii ay Kulamada u socdeen waxa ay diirada saareen horumarka degaanka iyo mashaariic kor loogu qaadayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay wafdiga ka socda Jarmalka, wuxuuna sheegay Jarmalka mar walba in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarka Jubbaland.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne ku xigeenka waxa uu sheegay in dawladdaJarmalka ay Jubbaland si gaar ah uga gacansiineyso arrimaha ammaanka, dib u dhiska, Mashaariicda horumarineed ee Kalluumeysiga, iyo Beeraha.

HOOS KA DHAGEYSO