Dawladda Canada Oo Muwaadin Soomaaliyeed Ku Xukuntay Xabsi Daa”in ah.

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee Maxkmada dalka Kanada ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cali Cumar Adeer waxaana loo heystaa afduubka Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah Afduub ahaan loogu heystay gudaha Soomaaliya mudo Sagaal sano ah ka hor.

Cali Cumar Adeer oo 40 jir ah ayaa Maxkamada Kanada waxa ay sheegtay in dembigaas lagu helay, balse isagu uu sheegay in uusan arrintaasi  waxba ka ogeyn sidoo kalena isla isaga uu afduubnaa.

Waxaa Maxkamada Kanada ay sheegtay in dacwadaan oo la dhageysanayay mudo 10 Cisho ah ugu dambeyn lagu xukumay xabsi daa’in ah balse la filayo in lagu dhawaaqo Sanadka soo socda ee 2018

Ehelada Eedeysane Cali Cumar Adeer ayaa talaabada ay qaaday Maxkamada Kanada ku sheegeen in ay tahay mid cadaalada daro ah isla markaana ay racfaan ka qaadan doonaan.

Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah lagu heystay gudaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn lagu sii daayay lacag madax furasho taas oo keentay in uu ciqaab ku muteystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee Cali Cumar Adeer oo ku nool dalka Kanada.

Wariye Amanda Lindhout ayaa shalay markii ay maxkamada tagtay waxa ay sheegtay in xiligii afduubka loo heystay ay la kulantay dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen faraxumeyn iyo jirdil intaba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Xoghaye Mattis: xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya MD Farmaajo
- Dec 16, 2017
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis ayaa waxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala ...
Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya
- Dec 16, 2017
Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka ...
DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay burburinta Dowadda
- Dec 16, 2017
Culimada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in markan ay ka digaan burburinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Cali ...
DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo taageero u muujiyay Madaxweyne FARMAAJO
- Dec 16, 2017
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u istaagay taageerida Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shacabka ...
DHAGEYSO: Iska horimaad culus oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
- Dec 16, 2017
Iska horimaad culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Punland iyo kuwa Galmudug ayaa Xalay ...