Daawo Sawirada:-Wasiirka Amniga Somalia Oo Shir Amniga looga Hadlaayo Kaga Qeyb Galay Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradaa Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kasoo qayb galay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga Dadka iyo Tahriibka.

Shirka ayaa ayaa ka Qabsoomay magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii Bisha December, Waxaana Kasoo qayb galay Wufuud ka socotay dhamaan Dalalka Caalamka.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay Wasiirka Maamulka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar,  Waxayna labada dhinac ka wada hadleen Sidii la isaga kaashan lahaa Xidhiidhka INTERPOLKA iyo Sida Shaqooyin iyo Tababar loogu samayn karo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa qeyb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, Waxaana shirkan kusoo beegmayaa Xili dhowaan ay siwayn usoo shaac baxday Dhibaatooyinka Baaxada ee dadka Mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada:-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Wasiirka amniga soomaaliya oo soo diray fariin ku socota siyaasiyiinta hamiga xun
- Feb 22, 2018
Maxamed abuukar islaw ducaale wasiirka amniga soomaaliya ayaa hadal u muuqda in uu fariin ...
TOPNEWS:-Dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo Doolar oo lagu qabtay Dalka kenya
- Feb 22, 2018
Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Nin u dhashay dalka Tanzaniya ka ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Yariisow” Canshuuro laga qaado Shacabka kuma dhacdo Qasnadda dowladda”
- Feb 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan ...
AKHRISO:- Itoobiya oo siideyneysa Maxaabiis badan oo Ka Tirsan Ururka ONLF
- Feb 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay qorsheynayaan in ay  Xabsiga ...
Munaasabada Xuska 48-Guurada Ciidanka Asluubta Oo Maanta Ka Dhaceysa Muqdisho
- Feb 22, 2018
Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu xusayo 48-guuradii ka ...