Ciidamadii Ugu Badnaa Ee Amisom Oo Ka Socda Dalka Ugandha Ayaa Iskaga Baxaya Dalka Somalia

0

Taliska militariga Uganda ayaa sheegay in ay bilaabayaan labixidda Ciidamooda ka jooga soomaliya kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka midawyga Africa ee Amisom,

Tiradda Ciidamada Uganda ee baxaya marka ugu horeysa ayaa lagu sheegay 281 Askari, ayagona ay qayb ka yihiin 1000 Askari oo ka baxaya soomaaliya dhamaadka sandakani

Kabixitaankani Ciidamada Uganda ee dalka soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshaha qaramada midoobay ay ku dhimayso Ciidamada midawga Afrik ee Amisom,

Dowladda Ugandha ayaa ah deeq bixiya ugu weyn ee ciidamada midawyga Afrika ee Amisom, Islamarkaana dowladda Uganda ayaa ah dowladdi ugu horeysay ee ciidamo ka socda midawga Africa ee Amison u dirta soomalia kuwaasi oo markaa ugu horeysay soo cakadhigtay ciida soomaaliya 2007, Islamarkaana oo ka howl galayay soomaaliya kudhawaad 10 sano