WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qarax gaari lagu xiray ayaa wuxuu ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray Sarkaalkii watay gaarigaasi.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Cali Magafe, wuxuuna ka tirsan yahay ciidamada Booliska Puntland, xilliga la qarxinaayay gaarigiisa ayaa wuxuu u sii socday goobtiisa shaqada.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaal Cali Magafe, waxayna geeyeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa gaariga loo xiray Sarkaalkaasi ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca dhajiska loo yaqaan ee Baabuurta lagu xiro.

Al Shabaab ayaa Qaraxyo iyo dilal qorsheysan la eegta Saraakiisha ciidamada Booliska Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.