TOP NEWS:- Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo maanta lagu dhameystirayo Muqdisho

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu saxiixo dhameystirka heshiiska ay gaareen Ahlusuna iyo Galmudug, iyadoo munaasabada lagu soo bandhigayo heshiiska ay gaareen labada dhinac ay ka dhici doonto Madaxtooyada.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegaya in wali labada dhinac ka wada hadlayaan heshiiska ay gaareen, waxaana la sheegayaa inuu jiro qodobo aan wali la isku afgaran, balse la filayo in saacadaha soo socda laga heshiiyo.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlusuna oo Axadii la soo dhaafay u soo gababoobay wada hadalo uga socday Jabuuti ayaa ku gaaray heshiis horudhac ahaa oo ka dhashay siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay goobjoog ka noqdaan munaasabada lagu wado in gelinka dambe ee maanta ka dhacdo Madaxtooyada Villa Somalia, isla markaana lagu soo bandhigo qodobada ay ku heshiiyeen Ahlusuna iyo Galmudug.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in hal maamul ku midoobaan, iyadoo qodobada qaar ee lagu heshiiyay ay ku jirto awood qeybsi ay Ahlusuna ku yeelan doono Maamulka Galmudug.