QM oo si lama filaan ah uga hadashay heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna+SAWIRO

0

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay heshiiska awood qeybsiga ee u dhaxeeya Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Danjraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Meachel Keating ayaa waxuu sheegay in guul lagu faano ay tahay in heshiis nuucan uu dhex maro labada Maamul.

Waxaa uu Keating tilmaamay in uu goobjoog ahaa madashii ay maanta heshiiska ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Hogaamiyaha Ahlu Sunna.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku sugnaa halka uu ka dhacay heshiiskan u dhaxeeyay labada dhinac.

“Heshiiska awood qeybsiga ee maanta labada mas’uul ee Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ku kala saxiixdeen, waxa uu muujinayaa mid lagu soo afjarayo colaada iyo khilaafka labada dhinac”, sidaasi waxa yiri Keating.

“Waa war wanaagsan oo ay ku wada farxaan Umadda Soomaaliyeed, maadaama heshiiskan uu ka dhigan yahay mid lagu dhameynayo khilaafkii ka taagnaa Gobolada Dhexe”, intaasi ayuu hadalkisa ku diray Danjiraha.

Ugu dambeyn, Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in uu ku faraxsan yahay heshiiskan islamarkaana horumar u bilaawday Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dagga Gobolada Dhexe.