Qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in qarax ka dhacay lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Maamulka Puntland.

Qaraxan ayaa ahaa Mid Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal Magaciisa lagu soo koobay Cali Magafe,waxana la sheegay in gaarigu qarxay xili uu marayay dhabarka dambe Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Sarkaalkaan ayaa waxaa qaraxa ka soo gaaray dhaawac culus sida ay soo sheegayaan Wariyayaasha ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa kadib Ciidamada Booliiska Puntland ayaa Goobta gaaray kuwaas oo Isbitaalka geeyay Sarkaalka dhaawacmay.

Xaalada Gaalkacyo ayaa hadda ah mid degan maadaama qaraxu uu dhacay 7:30 Subaxnimo ee saaka