Mareykanka Oo Sheegay In Somaliya Uu ka Taageeray La Dagaalanka Al Shabaab

0

Dowladda mareykanka ayaa sheegtay in taageero wax ku ool ah ay siisay dowladda federaalka ah ee somaliya,dowladda goboleedkyada dalka iyo howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.

Taliska ciidamada mareykanka afrika ee AFRICOM ayaa xusay in ujeedka taageeradooda ay tahay sidii somaliya ay u heli lahayd deganaansho iyo amni dhameystiran.

Sidoo kale ayaa waxaa mareykanka uu sheegay in howl galkooda somaliya uu ka caawiyey ciidamada dowladda tababaro iyo waliba qalab si sare loogu qaado tayada ciidamada.

Sarkaal ka tirsan howl galka AFRICOM ayaa sheegay in ay taageero joogta ah siiyaan ciidamada ka socda nabad ilaalinta midowga afrika ee Uganda,Burundi,kenya,Ethiopia iyo jabuuti.

Sarkaalkaan ayaa intaasi ku daray in ciidamada ka jooga mareykanka somaliya oo tiro ahaan gaaraya 500 oo askari ay ciidamada dowladda somaliya la sameeyeen howl galo gaar ah oo lagu bartilmaameed saday fariisom alshabaab ay ku lahaayeen koofurta somaliya.

Mareykanka ayaa xusay in duqeymo diyaaradeed ay ka fuliyeen somaliya gaar ahaan goobaha ku sugan yihin dagaalyahanada alshabaab iyo daacish iyagoo intaa ku daray inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo dowladda federaalka ah ee somaliya