Faahfaahin Taliyihii Saldhigga Suuqa Gaalkacyo oo ku dhintay Qarax

0

Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug ee Puntland Taliyihii Saldhigga Suuqa degmada Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali  (Cali Magafe)ayaa u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland.

Cali Magafe, wuxuuna ka tirsanaa ciidamada Booliska Puntland, xilliga la qarxinaayay gaarigiisa ayaa wuxuu u sii socday goobtiisa shaqada.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaal Cali Magafe, waxayna geeyeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu ku geeriyooday.

Qaraxa gaariga loogu xiray Sarkaalkaasi ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca dhajiska loo yaqaan ee Baabuurta lagu xiro.

Al Shabaab ayaa Qaraxyo iyo dilal qorsheysan la eegta Saraakiisha ciidamada Booliska Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.