DHAGEYSO WAREYSI: Faahfaahin ku saabsan Nabadoon lagu dilay magaalada Baraawe

0

Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay xalay ku dileen Nabadoon caanka ah Magaaladaas

Nabadoonka ayaa xiliga la dilyay ka soo baxay Masjidka xili uu ku soo dukaday Salaadii Cishaha sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baraawe Xusen Barre Maxamed Jeex.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Sayidinaa Xaajoow,waxaana la sheegay in uu Maamulka degmada caawin jiray isla markaana dhowr maamul las oo shaqeeyay.

 

Xuseen Barre Maxamed jeex Gudoomiyaha degmada Baraawe ayaa sheegay in aan lagu guuleysan soo qabashada dadkii dilay Nabadoonka oo Da’diise aheyd 70 jir,balse ay hadda ku raad joogaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Nabadoonka uu ahaa mid siweyn ula shaqeynayay Maamulka sigaar ah markii ay timaado in leysku qabsado dhulalka degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO