Dhageyso:-kenya Oo Loogu Baaqay In Ay Wax ka Qabato Amni Daro ka Taagan Deegaano ka Tirsan Mandera.

0

Boqolaal ruux oo ka shaqeysta magaalada Mandera ee gobalka waqooyi bari ee dalka kenya ayaa dowladda ka dalbaday in ay wax ka qabato ammaan daro xoogan oo ku soo kordheysa deegaano ka tirsan magaalada Mandera.

Dadkaasi oo la hadlay wargeyska daily nation ee ka soo baxa dalka kenya ayaa sheegay in dhinaca safarada laga mamnuucay dadka aan somalida in ay u safraan deegaano ka baxsan mandera sababa la xiriira dhinac amniga.

Mark Mwolobi oo ka soo jeeda deegaanka Bungama ayaa ciidamada amniga ee kenya ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada ammaanka wadooyinka ka baxa iyo kuwa soo galo magaalada Mandera.

Madaxa amniga ee magaalada Mandera Fredrick shisia ayaa sheegay in dowladda aysan damaanad qaadi Karin amniga dadka ku safra inta u dhaxeysa magaalooyinka mandera iyo wajeer gaar ahaan dadka aan ka soo jeedin deegaanadaasi.

Mr shisia ayaa xusay in alshabaab ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan dadka aan somalida ahayn ee ku safra wadooyinka gobalka waqooyi bari isagoo soo jeediyey in ay isticmaalaan wadada marta magaalooyinka mandera,moyale iyo isiolo.

Alshabaab ayaa weli deegaano ku yaala gudaha kenya  fuliya  weerar ay la bartilmaameedsadaan ciidamada kenya iyo gaadiidka ay ku safraan dadka aan muslimka ahayn,

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka