Deg Deg:-Iska Hor Imaad Khasaaro Naf & Maal Ah Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galabta israsaaseyn xoogan waxa ay ku dhexmartay qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Israsaaseyntan ay timid kadib muran ka dhashay dhul ku yaalla Xaafadda Cali Geedi ee Degmadaasi Kaaraan.

Waxaana uu tilmaamay in iska hor imaadkan ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo shacab ahaa, iyadoona ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Suigda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Deggmada Kaaraan oo ku aadan Iska hor imaadkaasi.

Balse inta badan Ciidamada Dowladda ayaa isku rasaareeyay gudaha Magaalada Muqdisho, taas oo ay wax yeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ee ku nool Gobolkan Banaadir.