DEG DEG: Duqeyn Xoogan oo ka dhacay Gobolka Sh.Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhanka cirka ahaa oo ka dhacay Degmada Farsooleey ee Gobolka Sh.Hoose.

Degmada Farsooleey ayaa waxaa maamula Xubno ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay duqeyn ku beegsadeen Gaari nuuca xamuulka qaada, kaasi oo sida la tilmaamo ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa.

Wariyaha Idaacadda VOA, Harun Macruf ayaa waxuu sheegay in dab xoogan uu cirka isku shareeray kadib duqeyntii ay fuliyeen Diyaaradahaasi.

Weli lama shaacin khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Weerarkan iyo halka laga leeyahay Diyaaradahan Dagaal ee fuliyay Weerarkan ka dhacay Gobolka Sh.Hoose.

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe weeraro dhanka cirka ahaa waxey siyaabo kala duwan uga fuliyeen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.