DAAWO MUUQAAL:- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka warbixisay Tartanka maamul goboleedyada

0

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka warbixisay Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo maalintii shalay la sameeyay isku aadka.

Tartankan ayaa qaban qaabadiisa ay aad u sareysa, iyadoo Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ee ay hoggaamineyso Wasiirad Khadiijo ay dadaal iyo juhdi ku bixiyeen diyaar garowga iyo qabsoomida Tartankan.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa goobjoog ka ahaa isku aadkii la sameeyay iyo sidoo kale agabyo isboorti oo la siiyay ciyaartoyda ka socda maamulka goboleedyada.

“Tartankan maamulkiisa waxaa leh Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa dhinac farsamo ka kaashneynaa, xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxaa ay sheegtay in Tartankan uu furmi doono 7-bisha, isla markaana uu socon doono illaa 22-ka bishan, waxaana ay intaa ku dartay in maanta Siminaar loo furi doono min saddex xubnood oo ka socda kooxaha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Wasaaradda ay magacawday Guddi Racfaan ah oo Tartankan ah, waxaana Guddigan xubno ka ah Ciyaartoydii hore ee ku sugan dalka gudihiisa.

Maalinta berri oo bisha tahay 7-December ayaa la qaban doonaa furitaanka tartanka, iyadoo kooxaha ka qeyb galaya ay sameyn doonaan wareeg, waxaa tartanka lagu daah furi doonaan Ciyaartoyda da’dooda ka hooseysa 16-ka jirka ah oo ku kala ciyaaraya magacyada labo koox oo kala ah Himilo iyo Dirir.

Ugu dambeyn maalinta jimcaha oo taariikhda ku beegan tahay 8 December ayaa ciyaarta ugu horeysa ee Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada lagu furi doonaa Banaadir vs Jubbaland.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO