Axmed Siilaanyo oo 7 Sano kaddib ka soo shaqo taga meel ka baxsan Madaxtooyada

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa ka soo shaqo taga hadda meel ka baxsan Madaxtooyada Maamulka Somaliland oo uu 7dii Sano ee la soo dhaafay degganaa.

Madaxweynaha Somaliland ee xilka ka siidagaya ayaa dhawaan ka guuray Madaxtooyada kaddib markii doorashadii dhacday 13kii November uu ku soo baxay Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Madaxweynaha ayaa hadda ka soo shaqo taga Guri uu ka degganyahay Hargeysa,waxaana uu subaxkasta tagaa Madaxtooyada ilaa uu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland.

Siilaanyo ayaa waxaa uu maray waddadii uu horay u maray Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Daahir Riyaale Kaahin,kaas oo isna xilligii doorashada 2010kii sidan oo kale uga guuray Madaxtooyada.

Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Somaliland uu xilka la wareego,kaddib doorashadii November,waxaana Muuse Biixi u billaaban doonta 5 Sano oo xukunka Maamulka SOmaliland ah.