SAWIRRO:- Xildhibaan Cabdirashiid Abuukar Cabdi oo casho sharaf u sameeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense ee Dalka Denmark.

0

Xildhibaan Cabdirashiid Abuukar Cabdi oo dhawaan ku guuleystay ka mid noqoshada golaha deegaanka magaalada Odense ee dalka Denmark ayaa habeeninimadii Jimcaha waxa uu Casho sharaf  u sameeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense ee dalka Denmark, Casho sharaftan oo si caalami ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday hoolka xafladaha Golden Palace ee magaalda Odense ee dalka Denmark.

Xildhibaan Cabdirashiid Abuukar Cabdi ayaa waxa uu noqday Muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee magaalada Odense isagoo Xisbi hogaan u ah ka mid noqda Golaha Deegaanka magaalada Odense ee dalka Denmark, waxa uuna hogaaminayaa Xisbiga Alternativet Å.

Xafladan Casho sharafta ah ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan qaybaha kala gedisan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense.

Xaflada ayaa waxaa khudbado qiimo badan oo isugu jiray Duco, Hambalyo iyo Amaanba ka jeediyay Odayaal dhaqan, Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Haween iyo Dhalinyaro, iyagoona dhamaantood muujinayay ama isku raacay in Xildhibaan Cabdirashiid Abuukar Cabdi uu yahay mid mar walba u taagan Horumarinta guud ee dadka reer Odense gaar ahaana Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdirashiid Abuukar Cabdi ayaa dhankiisa waxa uu uga Mahadnaqay dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense Isagoona sheegay in aysan suuragasheen guushan la’aantood, waxa uuna kula dardaarmay inay mar walba noqdaan kuwo gacmaha isqabsada islamarkaana ilaashada Midnimadooda.

Isku soo wada duuboo Xafladan casho sharafta ah ee uu qabtay Xildhibaan Cabdirashiid Abuukar Cabdi ayaa waxa ay ku soo idlaatay jawi daganaan iyo damaashaad leh, dhamaan dadkii kasoo qayb galayna waxaa wejiyadooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yihiin Guusha usoo hoyatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee uu hormuudka u ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Abuukar Cabdi, Guusha Xildhibaanka oo ahayd mid taariikhi ah ayaa ku timid Maskax, Muruq iyo Maal Soomaaliyeed.



Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Odense, Denmark