FAALLO:- Geedigu waa soconayaa Eeyuhuna waa ciyayaan. (ألقافلة تسير والكلاب تنبح)

1

Maahmaahdaan carabigaa micnaheedu waa dadka carabtaahu waxay ahaan jireen dad reer guuraa ah oo xoolo dhaqataa ,waxayna aad u adeegsan jireen Eeyaha oo xoolaha la raaci jiray , markii Dudadu inatay sahan sato la go`aansado in la guuru lana bilaabo in teendhyinka iyo agabka kalaba la xirxirto ,ayaa eeyuhu dareemaan meeshay la qabsadeen in laga tagayo markaasey bilaabaan inay xoog u ciyaan oo qayliyaan ayagoo u jeedkoodu yahay yaan meesha laga guurin ,hade eey baa qaylinaya oo ciyaya geedigii loo joojin maayo ,saas weeye micnaha tooskaahu ,waxaase loo adeegsadaa dhacdooyin gaara .

Maahmaahdaan waxaan ussoo qaatay dhaqan aan Soomaalida ku arakay oo aan aad ula yaabay una waayey waxaan ku fasiro kasoo oo aan la bilaaban intii burburka ee horeyba u jiray , xiliga burburka haba sii xoogeystee .

Tusaale ahaan hadaan idin siiyo :- Tusaale waxaa isku yimid dad dani ka dhaxayso waxay rabto dantaasu ha ahaato mid qoyseed ,mid reereed ,mid shaqo ,mid siyaasadeed waxay rabto ha saabsanaato markii arinka laga dooday ay soo baxdey xoogaa kala aragti duwanaasho ku saabsan arinka laga hadlayey ,hadaanba kassoo qaadno inay ahaayeen illaa 15 qof ,markii afkaarta la aruuriyey ay ilaa 13 illaa 14 ay noqdeen isku fikir iyo qaab mida arinka loo waajaho 2 ilaa 1 ay noqdeen kuwo fikirkaas hore mid ka gadisan qaba .

Saas markay dhacdo 13 ilaa 14 kii qof waxay bilaabayaan inay qanciyaan 2 ama halkii kassoo horjeedy meeshay talada dhigeen ,hadey qancin waayaan ka socon mayaane waxay bilaabayaan inay yiraahdaan habel baa arinka diidan oo saas qaba ,ayagaas wax diidanaa waxay qabeen bey dadka u sheegayaan hebel baa saas yiri oo hawshii ka socon la dahay ,saas iyo saas buu leeyahay ,meesha waxaa ka baxaya 99% waxay qabeen , bulshadiina waxay maqlaysaa oo kaliya hebel iyo hebel inta badan ka fikirgadisnaa ayagaasu waxay qabeen , waxaana haba yaraatee aan la maqleyn intii badneyd waxay qabtey .

Waxaa isweydiin leh maxay 99% uga socon la`yihhin oo arinkooda u wadan layihiin ,ugana soo qaadi waayeen halkaas ama labadaas waxaan jirin madaama ay qanci waayeen ugu badnaana yihiin 2% .

Saasu ma dhacdo ee 2% khaldan baa hawshii oo dhani u istaageysaa amaba uba burburaysaa . Xattaa kuma dhaqanno maahmaahda ah hadii meel lag il layahay adna aad labo indhood kuu fiyoyihiin hal isa rid saas dadka ula mid noqoto .

Maahmaahdaan ألقافلة تسير والكلاب تنبحwaxaanissoo xasuusiyey ayadoo siyaasiyiin aad u tiro yar ama ha ahaadeen xildhibaano amaba ha ahaadeen qolyo siyaasiyiin baan nahay leh ,amaba ha ahaadeen beel hoosaad ka mida beelaha Soomaaliyeed ee faraha badan ,oo ayagu wata wax ka gadisan inta badan waxay wadato oo hadana bulshadu u afduubantahay , barlamaankii u afduubanyahay , dawladii u afduubantahay , amaba aan dhaho sheekada bulshada ka dhex socotaa ay tahay tiradaas yar waxay qabaan , ilaa ay gaarto inay noqoto ama u muuqato tiradaas yari waxay rabeen waxaa dadkoo dhanu rabo .

Maxaa noo diiday tirada aadka u yar ,oo danleydaa inaan u isticmaalno Soomaalidu waa soconaysaa daylaydana ha iska qayliyaan .

Ulama jeedo shakhsiyaad gaara iyo beelo gaara ee waxaan ula jeedaa Danleyda ,hortaagan dawladnimadeenu inay horay u socoto ,kuwaas oo qaba in dantoodu lumayso markii daladnimada loo sii dhawaadaba .

Cabdi Aden
Waryaa53@hotmail.com

Comments are closed.