FAALLO:- Soomaliyeey Sharmaake iyo Shakuur xal inooma hayaane aynu iska qabanno. Dowladeenune aynu taageerno.

5

Iyadoo Dowladnimada Soomaaliya ka jirta ay maalinba meel soo gaareysay ayaa hadda waxaa muuqda hormar lataaban karo oo ay ku talaabsatay dowladda uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Shacabku Jecelyihiin ee Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Farmaajo oo la rumeysanyahay in ay ka go’antahay in dalka uu cagihiisa isku taago isla markaana u diyaarsan in uu maalin arko soomaaliya oo caalamka intiisa kale la jaanqaada, ayaa hanaan siyaasadeed oo dhexdhexaadnimo ku dheehantahay kula dhaqmay dunida inteeda kale, isagoo ka fogaaday in habayaraatee aysan soomaaliya ku milmin siyaasado isdiidan oo aysan dani ugu jirin shacabka iyo dowladda soomaaliya midna.

Nasiib darro waxaa ka garab furmay oo Dalka qalalaaso siyaasadeed ineey ku abuuraan u istaagay shakhsiyaad soomaaliya magac iyo maamuus midna aan ku laheyn kuwaas oo ay hormuud u yihiin cumar cabdirashiid sharmaake iyo cabdiraxmaan cabdishakuur oo Raisal Wasaare iyo wasiir dalka kasoo noqday, waxayna shakhsiyaadkani ku sifoobeen u adeegayaal shisheeye oo aan rabin in Soomaaliya ay markale cagaheeda dib ugu istaagto.

Sharmaake iyo shakuur ayaa muqdisho iyo dalalka dariska ah ku laasluushaya xildhibaano katirsan baarlamaanka soomaaliya iyo qaar kamid ah hogaamiyayaasha maamul goboleedyada, iyagoo qeybinaya lacag ay dowlado Shisheeye usoo dhiibeen oo loogu talagalay in dalka lagu galiyo khalkhal siyaasadeed iyo mid amni, arintaas oo ay dowladda soomaaliyane si dhaw ula socoto.

Go’aan dhexdhexaadnimo ah oo ay Dowladda soomaaliya ku hagtay Xiisadii Khaliijka ayaa sababtay in Dowladda Qadar ay soomaaliya ugu deeqdo lacag gaareysa 200 oo milyan oo Dollarka mareykanka ah halka Dowladda Imaaraatka Carabka oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah ku tagayne ay ku yaboohday 600 oo milyan oo Dollar, Sidoo kale Dowladda Sacuudi Arabia ayaa iyadune kabadan ku deeqday, waxayna arimahan oo idil imaanayaan iyadoo Soomaaliya ay Qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah oo ka dhan ah Xiisada ka dhex tafan dowladaha walalaha ee Khaliijka.

Shakhsiyaadkani ayaa markii ay u caalwaayeen in ay abuuraan khilaaf siyaasadeed oo madaxda dalka ka dhex dhaca, waxay bilaabeen in ay Baarlamaanka tira yar oo kamid ah ay abaabulaan kuwaas oo doonaya ineey geeyaan Mooshin ka dhan ah madaxda dalka, Walow Xildhibaanada qaran doonka ah ee Dowladda kusiyaasadda ah ay katiro iyo tayo badanyihiin shakhsiyaadka lasoo laaluushay.
Soomaalida ayaa hal-hays ka dhigatay waayadaan “ Mooshin keene iyo miino aase waa isku mid” arintaas oo dhacday xilligii dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh hogaaminayay Alleyelehe manta ayeyba ooraahdaas mudankeeda tahay marka aad firiiso sida madaxda dalka iyo shacabku u wada shaqeynayaan iyo sida ay daneystayaal u doonayaan in ay dalka curyaamiyaan.

Soomaaliya Beec ma ahan mana hor istaagi karaan Dowladnimada Dalka shakhsiyaad caadeystay u adeegidda Shisheeyaha oo aan dan kalaheyn samata bixinta dalka ee ay dowladeena mashquulka ku tahay.

Hadaba maxaa la gudboon shacabka iyo dowladda soomaaliya?

Waa weydiinta ugu muhimsan ee ay isweydiinayaan Falanqeeyayaasha Siyaasadda iyo dadka sida dhaw ula socda arimaha socda ee ay hormuudka u yihiin shakhsiyaadka aan magacyadooda kor kusoo xusnay.

Waxaa la gudboon shacabka iyo dowladda soomaaliyaba in ay meel uga soo wada jeestaan shakhsiyaadka doonaya in hormarka soomaaliya ay siistaan shlimaad ay shisheeye kasoo qaateen, iyagoo hubanti ay tahay hadii shacabka iyo dowladda ay meel kawada istaagaan arimaha la xiriira khalkhal abuuritaanka ay adeegayaaasha shisheeyaha u maleegayaan soomaaliya in dalka marna uusan gadaal soo eegi doonin, Dowladda soomaaliya oo kasbatay quluubta kumanaan shacab ahne waxaa la gudboon in ay xoojiso xiriir wanaagga kala dhaxeeya shacabka oo ah cidda kaliya ee ay ka go’do hor u socodka soomaaliya iyo dib u dhaceedaba.

Gunaanadkii waa in aan garab istaagnaa dowladeena kuna taageernaa hormarka ay dalka ku hageyso,taasi oo suuragal ka dhigi karta guul kasta oon gaarno in ay tahay mid loo aayi doono, mana ahan inaan qabyaalad iyo qurun ugu dhag raaricino dad qolofka soomaali ka ah lakiin ay saarantahay maskax iyo maan shisheeye.

Soomaaliya qof iyo labo ma hor istaagi karo Dowladnimadeeda, ee shisheeye kalkaalow Gabalkaa dhac.

Guul Soomaaliya
Nabad iyo Nolo

Comments are closed.