FAALLO:- CIIDAMADII XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO LAMIDEEYAY IYO DARAAWIISHTII PUNTLAND OO CALANKA U QABATAY.

2

Dawalada soomaaliya oo jirta mudo bilo ah ayaa durba ku talaabsaday hormar aan isagoo kala la arag iyo sifihii lagu yaqiinay dawladnimada.Dalka soomaaliya oo burbursanaa ku dhawaad 30 sanadood,ayaa dawlad shaqaysaa u danbaysay 1990 kii,taasoo burburtay 1991 dalkuna galay xaalad dawlad la aan ah.Cidkastaa waa ay garan kartaa dal afrika ah oo aan dhaqaalo xoogleh la ahayn,aqoon aan lahayn oo burburay in aysan sahlanayn sidii nidaamkii iyo kala danbayntii loo soocelin lahaa.

Iskudayadii dawladnimadii lagu baadi goobayay,kuligood waxba guul ah lagama gaarin.Hayeeshee waxaa xusid mudan cid inkiri kartaana jirin in alle ha u naxariiste Madaxwayne Cabdullahi yusuf oo ahaa nin leh khibrad sare oo ciidan iyo waayo aragnimo siyaasadeed ahaana ninkii dhisay dawladnimada iyo ciidamada sida ba an utababaran ee puntland; ayaa isagoo arintaa ka faa iidaysanaya ku guulaystay in uu dawladii soomaaliyeed dib u dajiyo Caasimada dalka MOGDISHO madaxtooyadii soomaaliya looga talin jiray,taasoo ay isaga hortii hooy u ahayd iyo goob xoolaha la daajisto dad shacab ah.Tani waxay ahayd guushii ama raadkii u horeeyay ee baadi goob dawladnimo kii u horeeyay.Madaxwayne Abdullahi waxaa lagu xasuustaa in uu dalka uuga tagay madaxtooyada soomaaliya oo shaqaynaysa,dibna uu usoo celiyay,baarlamaan iyo golo wasiiro oo dhisan iyo dawlad fadaraal ah.

Waxaa maanta soomaaliya ay ku shaqanaysaana waa intaa laga dhaxlay.dawladii madaxwayne cabdullahi ma noqon mid dalka oo dhan hanatay soona celisa si buuxda nidaamkii iyo kala danbayntii.Mudane Farmaajo waxa uu yimid meel aan dhaqaale oo lin oo khasnadii dawladu maran tahay! waxa uu yimid meel aan lahayn amaan oo hubka noocyadiisa kala duwan magaalada lagu haysto.meel aan lahayn ciidan soomaaliyeed oo qaran balse ay ka jiraan maleeshiyo beeleed tuute dawladeed wata oo lagu sheego ciidan dawladeed.

Markiiba waxa uu dhisay mudo yar gudaheed in dalka u caymiyo shilinka soo gala oo laga ilaaliyo in ay jeeb shaqsiyadeed gasho,in dhaqaalaha dalka loo isticmaalo sidii shirkad nin leeyahay oo kale sidii kuwii ka horeeyay farmaajo wuu diiday sifahaas foosha xun.Maanta dawlada iyo shacabka soomaaliyeed waxaa soonoqday kalsoonidoodii oo waxaa dawladu tustay lacagta ina soo gasha iyo halka ay ku baxdo cidkastoo shaqaale ahina waa heshay mu shaharkeedii shalay loo diidi jiray.

Mudane farmaajo waxa uu kor u qaaday tayaynta ciidamada isagoo layimid fikir cusub oo aan hore loo arag kadib markii uu kasaaray magaalada mogdisho ciidamadii milatariga oo dhib ku hayay amaanka magaalada.waxa uu sameeyay ciidamo u gaara xasilinta magaalada mogdisho,ciidankaasi waxay ku guulaysteen in ay hubkii waawaynaa ka aruuriyaan magalaada oo ka sifeeyaan.Waxay ku guulaysteen in ay sugaan amaanka mogdisho oo siduu ahaa farmaajo kahor cidwalbaa garanayso.waxaa shacabkii mogdisho iyo umadii soomaaliyeed dareemeen oo indhahooda ku arkeen mudo aad u yar amaan nidaam iyo kala danbayn leh hanaan dawladeed.soomaali oo dhan bayna guul u tahay.

Madaxwaynaha soomaaliya mudane Farmaajo waxa uu ku guulaystay in caalamkii uu la qaybsaday siyaasad dagan oo leh aqoon iyo aragti dheer iyo geesinimo.waxay dad qalbiga ka dhintay oo soomaaliyeed layaabeen mawqifkii geesinimo ee uu ka qaatay khilaafkii dawladaha khaliijka carabta.Isagoo qaatay go aanka ah in soomaaliya tahay dhex dhexaad,iskuna dayayso in ay heshiis kala dhex dhigto dawladaha is khilaafsan.dad badan ayaa arintaa dhex dhexaadka ah ka xumaaday iyagoo aamin san in sucuudiga iyo emaratka carabtu inaga goosanayaan dhaqaalaha iyo xiriirka kadibna soomaaliya dhib wayni u imanayo.Laakiin waxay san fahan sanayn qoladaasi siyaasada iyo isku kalsoonaanta,waxay arkeen in farmaajo lasiiyay lacago malaayiin ah hadana lagarabtaagan yahay markaasay wax fahmeen.

dhex dhexaadnimadu maha danbi laakiin waxaa godob ah markaad mid ka tagto oo ka hiiliso midna u hiiliso,kadibna heshiiyaan.waxaa fiican dhex dhexaadnimada hadaan ahayn dawlad dhanwalba ka dhisan oo xoogleh.Mudane farmaajo waxa uu dadkii soomaaliyeed u sameeyay dib u heshiisiin.waxa uu keenay in dawlda turkigu inoo dhisaan ciidamadeenii oo qalabeeyaan.waxa guul ah in uu dhisay ciidan qaran oo ka kooban soomaaliya oo dhan.waxaa maanta oo bishu tahay 30.11.2017 dawlada soomaaliyeed lasoo wareegtay ciidan aad u dhisan oo leh khibrad ciidan iyo mid dagaal oo u diiday in cadaw wax yeeleeyo dhulka puntland waa daraawiish.inkabadan 20 sanadood ayay dhisan yihiin daraawiishtu.

Waaciidan leh dishibiliin iyo xirfad waana geesiyaal wadaniyiin ah.waxayna diyaar u yihiin in ay difaacan dalkooda,diintooda,iyo dawladooda.waxay hada lamidoobayaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed tani waxay guul u tahay dawlada iyo shacbka soomaaliyeed guud ahaan.Farmaajo waxa uu ku guulaystay in uu dib usoo celiyo karaamadii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo mideeyo kuligood.manihin dad xaasid ah oo libinta u quuri waaya walaal guulaystay.

Ciidamada isku dhafka ah ee soomaaliyeed waxay difaacayaan dalka soomaaliyeed oo dhan waxayna ka duwan yihiin ciidan beeleed.dalka gudihiisa iyo dalka dibadiisaba umadii soomaaliyeed waxaa u muuqda dawladnimo iyo sharaf iyo soomaaliya oo helaysa amaan iyo kala danbayn iyo nolol xasiloon.qofkasta oo soomaaliyeed ayay dan u tahay kala danbayntu.soomaaliya cadaw badan bay leedahay laakiin maanta cadawgeedii waa jabay soomaalina waa isku duuban tahay.dawlad nimadu maha wax ciyaar ciyaar lagu helo iyo sahal waa in kumanyaal u dhintaan.mana aqbalayno in soomaaliya ay dawlad la aan ahaato cagtaan marinaynaa cidkastoo ka hortimaad sharciga iyo dawladnimada soomaaliyeed.

qabiil adeer dawlad ma noqonkaro,cid aan dawlada ahayn oo hub wadan kartaa majiri karto waana shabaab iyo argagixiso iyo dawlad diid cidii lagu arko hub waana in la dilaa maa daama hubka uu u sito in uu kulaayo dadka shacabka ah ee soomaaliyeed.soomaaliya boos kuma laha argagixiso iyo dawladiid ka daran argagixisada midna. guryaha mogdisho dadka lagu qarinayo kuwa qarinaya waa in la laayaa oo aan mid laga reebin kan wax qariyaa ka xun kan ku dilaya. waa in hubka dad waynuhu soo sheegaan iyo kuwa lagu tuhmo in ay dawlada diidan yihiin.dawladu waxaa waajib ku ah in cidii ay ku cadaato in caruurtooda iyo xubno ama xubin kamid ah qoyskoodu ay mid yihiin kuwa xasuuqa shacabka masaakiinta ah ee soomaaliyeed ee aan waxba galabsan hadii ay soo sheegi waayaan xubintaa oo iska bari yeeli waayaan oo qariyaan waa in aan halqof laga reebin qoyskaas si uu ninkaa afka duubtay u dhadhamiyo in isagaba hooyadii iyo aabihii iyo walaaladii la laynkaro haka dhabo caano.

Waxaa khalad wayn ah waalid ama qoys raali ku ah in ilmahoodu dadka xasuuqaan kadibna badbaadaan oo qarinaya!! hadaysan waxba ka qaban karin ee celin waayeen dhibmalaha caasi waa jiraa laakiin soo sheeg dawlada u sheeg hadaad daacad tahay.hadaad qarisay dilbaa kugu waajibay.nimankaa afka duubtay haday ogyihiin in gabdhihii la dhashay,wiilashii la dhashay,aabahood iyo hooyadood la laynayo nina ma aadeen afduub!! dagaalkan dawlad doon waa in lagu nadiifiyaa dalka oo dhan.dawladnimo laguma heli karo fadhiidnimo iyo beeso aruurso sidii xasan sheekh.

Waxaan rabaa in dadku aad u fahmo maxaa loolaynayaa qoyska hadii mid kamid ahi aaday oo kamid noqday argagixisada? miyagaa qoyska oo dhan ah argagixiso? maxay iyagu sameeyeen? dadbaa waxan is waydiinaya.hadaba dadkani si fiican ugama shaqaysiin maskaxdooda.bal kawarama mogdisho reer ayaad daristihiin oo aad cusbada kala qaadataan,mid iyaga kamid ah ayaa kamid ah argagixisada way kaa qariyeen,ileen waa ilmahoodii iyo waxlamid ah,kadibna maalin maalmaha kamid ah ayuu adigii dariska la ahaa reerkooda muqaayadiinii oo aabahaa iyo hooyadaa iyo walaalahaa joogaan yimid oo isku qarxiyay oo baaba shay kuli laayay isagoo garanaya cidaa tihiin!!!? markaa kadibna gurigiisii ayuu yimid oo cidiisii ayaa qarisay sow macnaheedu maha in laydin gumaday raali ku yihiin? ma cadaaladbaa? anoo daris kula ah ninka idilaya maxaad iigu hoosaasin? sababtoo ah waxay ogyihiin in iyaga aan dhib soo gaaraynin kan wax dilayaana waxa uu ogyahay in xataa hadii isga la ogaado in aan dhib gaarayn cidiisa. marka argagixiso kalkaalka ayaa ka sii xun kan ku dilaya.waa in iyaga la laayaa waana waajib.hooyadaa aan dilaa hooyadayna waa ii bad badbaadee suuro galmaha. laakiin cidii soo sheegta dhagar qabahooda waa bad baadee maxaa jira iyaguba dadkii ayay u digeen oo bad baadiyeen markaa wax la ga rabo majirto waa wadaniyiin amaan ayay helayaan.qaris layska yeelimaayo.

Ciidanka xooga soomaaliyeed waxa uu ku mahad sanyahay in uu cagta mariyay cadawgii soomaaliyeed ee kusugnaa shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose,hadana laga sifaynayo guud ahaan dawlad gobleedka koonfur galbeed.ciidanka xooga soomaaliyeed marlabaad waa mahad sanyahay siday noo difaaceen iyo gumaysiga ay naga xoreeyeen.Madaxwayne farmaajo mahad sanid.

Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com

Comments are closed.