Haddii Farmaajo la kulmo Netanyahu, maxaa ku jaban?

0

Lugaha ay Israa’iil ku taagan tahay waa Maraykanka, la’aantiisna waa shaki la’aan in aysan jirteen amma ugu yaraan aysan ahaateen dowlad aad u awood badan (super power nation).

Siyaasadda arrimaha dibedda iyo tan gudaha Maraykanka waxaa jaangooya oo jiheeya yahuudda. Dhammaan siyaasiinta Maraykanka oo ay ka mid yihiin-kumase koobna-: Madaxweynaha, Mw. xigeenka, xildhibaannada, guddoomiyaasha goballada iyo xataa xoghayaasha Madaxweynaha (golaha wasiirrada) iyo agaasimiyaasha haddii aysan oggollaanshaha yahuudda haysan ma soo gudbaan.

Siyaasiinta Maraykanka marka ay xil u ordaan waxay isku bajiyaan Yahuudda baad ka soo horjeeddaa ama waxay ku faannaan anigu saaxiib dhow baan la ahay. Sababtuna rejadooda baa ku xidhan. Maraykan iyo Israa’iil waa ul iyo diirkeed. Si kale haddii aan u dhaho Maraykanku waa Yahuud, Yahuudna waa Maraykan.

Yahuuddu ma aha oo kaliya dalka Maraykanku lacagta u badan siiyo ee sidoo kale waa dalka kaliya ee aan la weyddiin sida uu u qorsheeyo gargaarkaas amma waxa u ku qabto. Nus ka mid ah lacagtaas waxay ku soo laabataa dalka Maraykanka iyada oo gacanta u gasha uruurro yahuuda oo danaha Israa’iil u adeega sida: AIPAC oo lacagtaa ku soo saarta siyaasiinta dalka Maraykanka xilalka uga ordaaya oo Guriga Cad iyo kan Capitol Hill (Guriga Baarlamaanka) ka mid yihiin.

Haddaba akhristow sidaa aad aragto haddii aan waxba u dhexeyn Yahuudda iyo Maraykanka, Maxay tahay sababta aan midna u colaadin, midna u jecelnahay in aan xirriir saaxiibtinnimo oo dhow ula sameysanneynno dal ahaan? Cidda tidhi yaan yahuud wax lagu darsan waa carab. Carabna Masar iyo Sacuudi baa u indho ah iyana si toos ah bay ula macaammillaan.

Soomaaliya hoggaankeedu waxaa laaga fadhiyaa in u jeexo siyaasad arrimo dibeddeed oo aan diin, midab iyo hayb toonna ku dhisneeyn, balse dan qaran sees u tahay.

W/Q Ilyaas Maxamed
Email: Abdullahi8881@gmail.com