Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay caleemo saarka MD Kenya+SAWIRO

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta.

Madaweyne Farmaajo ayaa waxuu sheegay in qeylkiisa ee xaflada caleemo saarka ay tahay fariin wanaagsan oo Kenya uga imaaneysa Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaa farxad ii ah in aan ka qeyb gallo munasaabadan lagu caleemo saarayo Madaxweyne Kenyatta”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

Sikastaba, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato Madax dhowr ah oo ku sugan Magaalada Nairobi, kadib markii ay idlaado xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Kenya.