WAR DEG DEG:- Puntland oo sheegtay in ay qabatay 4 ka tirsan Al-shabab

0

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen 4 ka mid ah Xarakada Al-shabaab kaddib howlgal ay ka sameeyeen Buuraleyda Calmadow.

Howlagalka Ciidamada ayey ku sheegeen in ay ku daba joogeen xogo la xiriira in xubno ka tirsan Al-shabaab ay joogaan degaankaas.

Waxaa ay sheegayaan in afarta qof ee la qabtay ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen gudbinta sahayda islamarkaana toos ula shaqeeyaan.

Puntland waxaa ay sheegeysaa in ay dagaal kula jirto Daacish iyo Al-shabaab islamarkaana Ciidamadeeda wadaan howlgal joogto ah oo ay ka sameynayaa degaannada Buuraleyda u badan.

Sidoo kale shalay ayey ahayd markii Ciidamada Puntland ay sheegeen in saddex Qof oo ajaanib ah ay ku qabteen degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.