TOP DHAGEYSO WARBIXIN:- Reer Gaalkacyo heshiiya

0

Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo waxa ay ka mid tahay meelaha ugu colaada badan xilligan, maadaama dhowr jeer ay soo laab laabteen Dagaalo heshiisyo dhaxal gal ah laga gaaray.

Gaalkacyo ayaa hadda u qaybsan laba degmo, iyada oo Galmudug ay maamulaan koonfurta, Puntland ay maamulaan Waqooyiga, Magaalada waxaa ka dhaca isku dhacyo dib u dhigay horumarka Magaalada.

Dagaalka waa uu dhici karaa goor walba iyo goor kasta, Ujeedo iyo ujeedo la’aan, Sabab iyo sabab la’aan.

Dagaalo badan oo dhacay kadib June 1993-dii waxaa magaalada Addis Ababa heshiis ku gaaray Maxamed Faarax Ceydiid iyo C/laahi Yuusuf Axmed, Allaha u wada naxariisto labadooda.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in Ciidamada hubka sita ay magaalada ka fogaadaan 70-KM oo la kala geeyo Wargalo, Buuryaqab iyo Goldogob, in magaalada Gaalkacyo ay noqoto mid ka caagan hubka, hesiiskaas waxaa loogu magic daray wixii dhacay weyba dhaceen, siday u dhaceen la isma weydiin cid loo maxkamadeeyay iyo masuul dambi lagu soo oogay midna ma jirin, dadkii dhintayna mag iyo diyo midna lagama bixin.

Dhowr iyo labaatan sano heshiiskaasi magaalada waa lagu deganaa, magaaladana dhibaato la’aan ma aheyn, balse nolosha iyo kobaca magaalada wey socotay, hadaba xaalku waa sidee.

Heshiis ku saabsan xabbad-joojinta Nabadda Gaalkacyo ayaa la saxiixay bishii Janaayo, waxaana kala saxiixday Madaxweyne C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ka dib isku dhacyo xooggan oo bilowday October 2016-kii, ayna ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah, islamarkaana ay ku barakaceen in ka badan 90,000 oo qof.

Sidoo kale bishii June ee sanadkan waxaa heshiis ku saabsan nabadeynta gaalkacyo ku wada saxiixday Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo kan Galmudug Axmed Ducaalle (Xaaf), inkastoo ilaa hadda heshiiskaas uusan jirin wax ka soo naaso cadaaday, maadaama heshiiskaasi kadib ay dhaceen Dagaalo dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaareen.

Si loo nabadeeyo Magaalada Gaalkacyo maamulada labada dhinac ayaa sameeyay qorshe ah Ciidamo isku dhaf ah, kuwaasi oo ka shaqeynaya isku soo dhaweynta shacabka wada degan magaalada, sugidda amniga iyo hirgelinta heshiiska la wada gaaray.

Shir loogu magac daray Amniga Gaalkacyo oo 8-dii September ee sanadkan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada ayaa waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa:-

In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto iyo In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ayaanan la dhacsaneyn colaada soo laa laabatay ee ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo bishii June howlo shaqo u tagay Gaalkacyo ayaa sheegay Dowladda in aysan waxna u reebaneyn sidii loo nabadeyn lahaa Gaalkacyo.

Hadii mar kale aan dib u milicsano xaaladaha Gaalkacyo 23-kii bishan oo ku beegneynd Khamiis magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, khasaare kala duwan oo labada dhinac ah ayaana ka dhashay Dagaakaas.

Dowladda Federaalka, Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland, Maamulada dalka ka jira iyo Beesha Caalamka ayaa marlwaba ku howlan sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatada dagaal ee weli ka taagan Gaalkacyo.

Shacabka Gaalkacyo oo ah dad walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmin xilligan waxay u baahan yihiin Nabad waarta, waxaana muhiim ah shacabka labada dhinac ay heshiiyaan, maadaama Dagaal uusan ku dhalan Wiil, balse uu ku dhinto.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXINTA