SAWIRRO:- Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo gaaray Dalka Jabuuti.

0

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna.

Mas’uuliyiinta Galmudug oo bilihii la soo dhaafay is khilaafsanaa ayaa hada la xaliyay khilaafkooda, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu waan waan ka dhex bilaabay, isla markaana labada dhinac isku soo dhoweeyay.

Safarka ay si wadajir ah ugu ambabaxeen dalka Jabuuti ayaana meesha ka saaray mad-madowgii labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana dad badan ay ku waabariisteen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo ka dhoofaya garoonka Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir la heshiisiiyay, isla markaana la xaliyay wixii khilaaf ahaa ee u dhaxeeyay.

Dhinacca kale Madaxweyne Xaaf iyo kuxigeenkiisa Carabey ayaa si wadajir uga qeyb galaya wada hadalka iyaga iyo maamulka Ahlusuna ku dhex mari doona dalka Jabuuti, waxaana wada hadalkan garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Isku soo wada duuboo wajigii hore ee wada hadalka ayaa ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Xaaf aanay cidna ku wehlin wada hadalaas., hase ahaatee iminka uu ku soo biiray Madaxweyne kuxigeenkiisa iyo xubno kale.