Dawlad sey u shaqayso wax ma ka garanayaa qof dhalada kore shaqada dawladnimo ka soo bilaabey asagoon waligiis xafiis dawlo fariisan?

0

Adigoon waligaa shaqo dawladeed muddo ka soo shaqayn noocey ahaataba oo haba yaraatee aadan kussoo dhex barbaarin dhalinyaranimadeedii iyo intaad Dugsiyada iyo jaamicadaha dhiganeysay amaba aad joogtay dawlad shaqayneysa oo waqtigaagii intii badnayd ku soo qaatay burburkii oo hal mar dhalada ka soo galay hawlaha dawladnimo kana bilaabey wasiir hal sanaa tolow dawladnimad sey u shaqayso wax badan ma ka garanayaa qafkaasu?

Tusaale gaaban baan soo qaadanayaa ,dhawr maalin ka hor baa waxaan dhageystay Dood golaha shacabku ka lahaa Gudigii loo xilsaaray arinkii Qalbi Dhagax ,waxaa ka mid ahaa gudigu arimuhuu soo ogaadaey in madaxda qaranka si khaldan arinka looga wargaliey taasoo ay samaysey Hay`adda Nabad Sugidda Qaranka .

Xildhibaan ka mida Golaha shacabka oo lagu tiryo qolada Dawladda mucaaradka ku ah ayaa wuxuu yiri : hadey madaxda qaranku ogeyd waa musiibo arinka qalbi dhagax ,hadeysan ogeyn oo si khalada wax loo gaarsiiyeyna kaba sii daran .

Waxaan weydiin lahaa madax kastoo dawladeed ma Waxyi baa ku soo daga ay waxa jira ku ogaato oo markaas ku go`aan qaadato ,mase waxay ku talaabo qaadaan xogaha ay ka helaan hayadaha arimhaas u qaabilsan dawlada ay hogaaminayaan .

Marka in la yiraahdo madaxda dawladu hayadaheeda xogtey u keenaan ,waa danbi inay ku go`aan qaataan ,hadey ku go`aan qaataana oo dhaliilo ka timaado ,madaxdaasu uma qalmaan in masuuliyad ay qaadaan lagumana aamino karo hogaanka dalka ,waliba markuu waxaas akhrinayo xildhibaanku isku kalsoonida ka muuqata aqoontuu u leeyahay habka dawladnimadu u shaqayso .
Marka haduu aqoon u leeyahay habka dawladnimadu u shaqayso mucaaradna yahay inuu ka faaiida raba khald dhacay ,waxay ahay inuu madaxda ku dhaliilo in hayaddaas khaldka soo gudbisay ay ahayd masuuliyiinta loo dhiibayo inay ahaadaan kuwo hawshooda aqoon u leh daacadna ah ,ayadoo aan ognahay ha`ad walba oo hawl haysaa inay wanaag badanna samayn karto khaldaadna gali karto ,tasoo nolosha ka mida .

Marka Ragga soo maray madaxnimo kor ka bilaabtay ,waxaan kula talin lahaa ineynan isku qaadan niman meeshii u danbeysay ka gaaray aqoonta dawlad nimo hadiiba oo mar Jago weyn hal mar qabtay ,asaguna uusan isceebeyn , caamadan uuna khaldin ,hana ogaado inta waxgaranaysaa inay aad ula yaabeyso indhocadeytooda aan meelna haysan .

Dr .Cabdi aden
waryaa53@hotmail.com