XOG:- Galmudug iyo Ahlusunna oo ku wada hadlaya Wadanka Kenya

0

Shalay Gelinkii dambe waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ka dhoofay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,waxaana ay gaareen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Wadanka Kenya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Magaalada Nairobi uu wada hadal Waji ka waji ah uga furmi doono Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Ahlusunna,waxaana wada-hadalka Garwadeen ka ah Urur Gobolleedka IGAD oo u yeeray Hogaamiyaasha Galmudug iyo Ahlusunna.

Wada-hadalka u furmi doona Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidii Ahlusunna wax ugu yeelan laheyd Baarlamaanka,iyo Golaha Wasiiradda Galmudug,Galmudugna ay ugu soo guuri laheyd Magaalada Dhuusamareeb oo Caasimad u ah Galmudug.

Urur Gobolleedka IGAD ayaa wada Qorshaha lagu Heshiisiinayo Galmudug iyo Ahlusunna,waxaana la sheegay in Kulanka Xiga ee ay yeelan doonaan Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Ahlusunna uu ka dhici doono Magaalada Muqdisho Bishaan Dhamaadkeeda sida ay noo sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.