Xarakada Al Shabaab oo la wareegtay deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyannada Xarakada Al Shabaab ay la wareegeen deegaan hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolkaasi

Sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Geed Faqi oo 10 KM u jira Degmada Balcad, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaana saldhigyada ciidamada dowladda ay ku lahayeen deegaankaasi lagu arkayaa dagaalyahannada Al Shabaab oo baaritaano ka wada halkaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qabsashada Al Shabaab ee deegaankaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Basra oo hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.