Wasiir Beyle oo ku howlan horumarinta Canshuurta +SAWIRO

0

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa waxuu ka hadlay arimo ku aadan canshuurta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle ayaa waxaa uu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay bilaabida ololaha canshuurta Qaranka.

“Waxay ahayd sharaf weyn in la bilaabo ololaha wacyi gelinta canshuurta Qaranka maanta. Abuuritaanka dakhliga gudaha ayaa muhiim u ah horumarka Qaranka. Aan dhisno dalkeena si sharaf iyo wadnimo leh”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, Wasaarada Maaliyada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay wado dadaallo lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo canshuurta Dalka Somalia.