WAR DEG DEG:- Wasiirka qorsheynta oo hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare

0

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Jamal Maxamed Xasan, ayaa maanta wuxuu hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka.

Wasiir Jamaal, ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare wuxuu warbixin ka siiyay hanaanka shaqada Wasaarada iyo horumarada kala duwan ee laga gaaray hawsha hortaala Wasaaradda.

Hortagitaanka Xubnaha Aqalka Sare ee dalka, waxa ay ka dambeysay kadib markii Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ay soo dalbadeen in Wasiirka uu horyimaado.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa muddooyinkii dambe waxa ay u yeerayeen Xubnaha Wasiirada Xukuumadda qaarkood oo ay su’aalo ka weydiinayeen hanaanka shaqada Wasaaradahooda.

Kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare oo hadda ka socda xarunta Aqalka Sare, ayaa waxaa Shir Gudoominaya Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Abshir Bukhaari.

Wasiir Jamaal, wuxuu Golaha Aqalka Sare u sheegay inay socdaan qorshooyin kala duwan oo ku aadan shaqada Wasaaradda, islamarkaana laga fekeraayo hanaanka horumarka dalka.