WAR DEG DEG:- Golaha shacabka oo ansixiyay natiijada baaritaanka Guddigii Qalbi-dhagax

0

Kaddib Kulan ay maanta Golaha shacabka Soomaaliya ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho ayey Guddiga loo xil saaray dhiibistii Qalbi-dhagax ku soo jeediyeen talooyin dhowr ah.

Intaas kaddib Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa ka dooday talooyinkaas waxaana Xildhibaannada intooda badan ku qanceen Talooyinkii ay soo jeediyeen Guddiga.

Dood dheer kaddib 152 ka mid ah Golaha shacabka ayaa oggolaaday natiijada baaritaankii Qalbi Dhagax,waxaa diiday 6,waxaana ka aamusay 3 Xildhibaan oo kale.

Guddiga ayaa sheegay in Madaxda Hay’adda Sirdoonka Qaranka ay maareeyeen arrinta Qalbi-dhax islamarkaana Madaxda ugu sarreysa Dalka aan la siinin macluumaad sax ah.

Dhinaca kale Golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhiibistii Qalbi-dhagax ku sheegay in ay ahayd mid sharci darro ah oo ay Xukuumadda Soomaaliya ku qaldaneynd.

Guddigan ayaa muddo ka badan labo bilood waday baaritaankooda,waxaana intii uu baaritaankaas socday la eryay Taliyihii Nabad SUgidda Soomaaliya C/llahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Taliyihii Booliska Soomaaliya Daahir Siciid Saacid,kuwaas oo eryi dooda lagu beegay Qaraxyadii 14kii iyo 28kii Octomer ka dhacay Muqdisho.