TOP NEWS:- Xildhibaanada Golaha Shacabka Maanta la hor geyn doono Warbixin la Xiriirta Kiiskii Qalbi-dhagax

0

Maanta oo Sabti ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu wadaa in Guddigii loo xilsaaray Baaritaanka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa Sargaal sare oo ka tirsan ONLF in Guddigaas uu Xildhibaanasda horgeyn doono wixii ay soo qabteen.

Guddiga oo Mudo waday Baaritaan dheer oo la xiriira Kiiska Qalbi-dhagax ayaa la filayaa in Maanta ay soo gaba gabeeyaan Kiiskaas islamarkaana ay Xildhibaanada ka hor Akhriyaan wixii ay soo qabteen.

Bishii August Ee Sanadkaan ayey aheyd markii Dowladda Federaalkan Soomaaliya ay Itoobiya u Gacan gelisay Sargaal Sare oo ka tirsan Jabhadda ka dagaalanta Itoobiya ee la yiraado ONLF kaas oo lagu Magacaabay C/kariin Sh Muuse Qalbi-dhagax,waxaana ka dhashay Dhiibitaanka Qalbi-dhagax Qeylo ka timid Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed.