TOP NEWS:- Mudanayaal Maraykan Ah Oo Soo Dhaweeyey Hawlgalka Milliteriga Mareykanka Ka Wadaan Somalia

0

Ilaa 6 Mudane oo ka tirsan Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee dalkaasi ayaa si wadajir ah u soo saaray Qaraar lama filaan oo tirsigiisu yahay 630 ee Aqalka Kongareeska, waxayna cambaareeyeen Qarixii bil ka hor ka dhacay Isgoyska Zoope ee ay ku geeriyoodeen 350-qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale.

Qaraarkaasi waxaa dib loogu xaqiijiyey Taageeradda ay Dowladda Maraykanka siiyo Somalia.

Qaraarkaasi oo ay soo saaray 3 Mudane oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga iyo 3 kale oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, waxaa ka mid ah  Keith Ellison oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minesota iyo Tom Emmer oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi.

Mudanayaashaasi waxay Qaraarkooda ku sheegeen inay tacsi u dirayaan  Ehelladda ay dadka kaga geeriyoodeen qarixii bishii October ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Somalia.

Waxay kaloo sheegeen in dadkii ku geeriyooday Qaraxaasi ay ka mid ahaayeen ugu yaraan 3 Somali-Maraykan, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey Axmed C/kariim Ciyow, Maxamuud Cilmi iyo Abuukar Daahiye.

Dhinaca kale, Keith Ellison oo ah Mudanaha keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxa uu sheegay inuu si  xooggan u cambaaraynayo Colaadaha aan micnaha lahayn, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay xaqiijinayaan Taageeradda ay Maraykanka siiyaan Somalia.

Qaraarka Mudanayaasha ka tirsan Labada Xisbi ee ka dhisan Maraykanka oo ka koobnaa 6 qoddob, waxaa ugu muhiimsanaa Cambaaraynta iyo Tacsiyeynta ka sokow  waxaa lagu xusay inay aqoonsan yihiin dadaalka muuqda ee ay DFS iyo Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Maraykanka ka jooga Somalia.

Waxay kaloo sheegeen inay mar kale xaqiijinayaan Taageeradda Maraykanka ee dadaalka DFS ugu jirro Ammaanka, Nabadda iyo Deganaanshaha iyo Taageeradda ay Shacabka iyo Dowladda Maraykanka la garab taagan yihiin Dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka.