TOP DHAGEYSO:- Shacabka ku nool degmada Xamar jajab oo loogu baaqay inay ka shaqeeyaan Sugida Amniga

0

Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka banaadir Cabdulaahi Xaaji Ereg oo lahadlayay shacabka kunool degmada xamar jajab ayaa waxa uu ugu baaqay in ay kaqeyb qataan sugida amaanka degmada.

Waxa uu sheegay maamulka  gobolka banaadir in uusan aqbali doonin in la waayo tira koobka dadka kunool degmada .

Waxa uu intaa kudaray in hadii lahelo tira koobka dadka kunool degmada aysan kawal wal qabin sida uu noqon doono amaanka degmada.

Maamulka gobolka banaadir ayaa wada Olole lagu wacya galinaayo shacabka muqdisho si ay uga qeyb qataan sugidda amniga caasimadda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO