TOP DHAGEYSO:-Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujineysa Saldhiga Milatari Ee Imaradka Carabta Ka Furaneysa Mamulka Somaliland

0

Warbxintani kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Burcad Badeeda soomaaliya ay soo xoogaysato sabab u tahay Wadanka Isutaga Imaaradka Carabta oo hub sharcidara ah geeya Xeebaha soomaaliya,

Sidokale warbixinta qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in heleen warbixino cadeynaya in maraakiib hub sidda ee Imaaraadku leeyihiin ay gudaha u galeen soomaaliya,

Qaramada midoobay ayaa sidokale sheegtay in ka walaac san tahay Saldhiga Milatari ee Imaaraadku doonayo in uu kafurto Magaalada Barbra ee Maamulka soomaaliland , Islamarkaana ay warbixin ku saabsan saldhiga Barbara sida uu u saamayn karo cuna qabtaynta dhanka hubka ah ee saaran soomaaliya Balse aysan aysan wax jawaab ah kuso celin dowlada Imaaradka Ilaa hadda,

Dowladda Imaaraadka ayaa wado qorshe Saldhig MIliatary uga dhisanayso Magaalada Berbera ee Maamulka ay Beesha Caalamku Shaki weyn kaqabto in samayn kuyeelato Xasiloonida wadamada Geeska Afrika

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka