TOP DHAGEYSO:- Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan oo lagu eedeeyay khilaafka ururka haweenka

0

Ka dib markii uu khilaaf soo gala dhexgalay ururka haweenka gobolka Hiiraan ayaa lagu eedeeyay maamulka gobolka Hiiraan in ay arintaasi ay dhinac la safteen.

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda ayaa lagu eedeeyay in uusan waxba ka qaban dhibaatooyinka ka dhex taagan ururkaasi.

Haweenka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan ay sameeyeen dayacaad maamul , maadaama laga doonaayay in ay waxka qabtaan cabashadooda.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay kalsoonida kala laabteen Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan, islamarkaana ay dooran doonaan mid cusub.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Baledweyne , waxaa ka taagnaa Khilaafka u dhaxeeyay ururka haweenka gobolka Hiiraan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO