TOP DHAGEYSO:- Halkee ayuu ku Dambeeyaa Mooshinkii Laga Waday Madaxweyne Shariif Xasan?

0

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in arrintii ku aadaneyd in uu khilaaf ka dhex jiro Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ay aheyd mid been abuur ah.

Nuuradiin Gacma ayaa sheegay in Xildhibaano tiro yar oo ka hadlay Warbaahinta ay sheegen in ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne Shariif balse markii dambe ay ku fashilmeen.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu shegay in hadda uusan jirin wax mooshin ah oo lag gudbiyay Shariif Xasan isla markaana kuwii horay u kenay ay dib uga laabteen.

Hadalka Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya xili Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaarkood ay sheegen in ay xilka ka qaadayaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO